5 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Machakos

Shan qof ayaa ku dhimatay shil baabuur oo ka dhacay Muumaandu oo ku taala wadada isku xirta Machakos iyo Wote.
Shilkan ayaa waxaa xaqiijiyay Agaasimaha adeegyada degdega ah ee dowlad deegaanka Machakos David Mwongela.
Dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay shilka ayaa waxaa ay ku safrayeen gaarika dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda taasi oo la sheegay inuu xakameynta gaarika lumiyay darawalka.
13 qof ayaana la sheegay inay ku dhaawacantay shilkaasi Waxaana loo qaaday isbitaalka heerka shanaad ee ismamulka Machakos.
Darawaliinta kaxeeya gawaarida ayaa loogu baaqay in ilaaliyaan nolosha rakaabka iyagoona la sheega marar badan inay sabab u noqdaan shilka dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here