5 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Mumias

Shil laga soo tabiyay deegaanka Mumias ee ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka ayaa waxaa ku dhintay 5 qof oo rakaab ahaa.
Waxay sido kale dhaawacyo kala duwan soo gaareen oo hadda la daaweynayaa 5 kale oo dheeraad ah.
Dadkan ayaa dhammaantood dhalasho ahaan ka soo jeeday tuulo ka tirsan deegaanka Butula .
Shilka ayaa yimid kaddib markii baabuur ay dadkan saarnayeen uu ka dhacay buundada Liwondwe ugu dambeyna webiga ku hoobtay.
Taliyaha booliska ee Mumias , Peter Kattam ayaa warbaahinta u sheegay in shilka uu dhacay abaare 5-tii aroornimo.
Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa maalmo un kaddib markii maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA uu ku baaqay in feejignaan dheeraad ah la muujiyo maadaama qeybaha dalka ay ka da’een roobab culus oo waxyeeleeyay kaabayaasha gaadiidka.
Sido kale xilligan oo kenyaanka qaar ay u dabaal degayaan fasaxa ciidda Christmas ayaa waxaa inta badan sare u kaco shilalka waddooyinka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here