5 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay wadada Nairobi-Mombasa

Shil ka dhacay goobta loo yaqaano Kiongwani ee wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ayaa waxaa ku dhintay 5 qof halka 62 kalena ay ku dhaawacmeen.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Makueni ,Joseph ole Napeiyan ayaa dhacdadan oo la soo tabiyay abaare 2:40 habeenimo ee xalay warbaahinta u xaqiijiyay.
Mr. Ole Napeiyan ayaa sheegay in mid ka mid ah basaska oo ka yimid dhanka magaalada Mombasa oo wadada ka baxay kaddibna midka kale ku dhacay.
Shilka ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen laba bas oo ay leedahay shirkadda Modern Coast .
Dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka Sultan Hamud halkaas oo lagu daaweynayo.
Goobta loo yaqaano Kiongwani ayaa saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay waxaa ka dhacay in ka badan 10 dhacdo oo ah shilalka waddooyinka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here