5 qof oo ku dhimatay wabiga Nzoia kaddib markii ay la qalibantay dooni ay saarnayeen

Waraarka naga soo gaaraya ismaamulka Siaya ayaa sheegaya in ay 5 qof ay ku dhinteen wabiga Nzoia kaddib markii la gadoontay dooni ay saarnaayeen.
Dadka dhintay ayaa wada ahaa rag.
Afar ruux ayaa sida ay wararku sheegayaan ka badbaaday dontaasi.
Dadka Goob joogayaal ah ayaa sheegaya in doonida ay saarnaayeen sagaal ruux kahor inta uuna matoorka ka halaabin.
Kuxigeenka guddomiyaha aamanka ee ismaamulka Siaya Joseph Sawe ayaa sheegay in la bilaabay baaritaanada maydadka shanta ruux.
Waxaa uu dhanka kale shacabka ku dhaqan agagaarka wabiga Nzoia ugu baaqay in ay ka guuran jiinka wabiga xiligan oo uu dalka ka da’ayo roobab culus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here