5 qof oo ku dhintay shil ka dhacay ismaamulka Baringo

Shil laga soo tabiyay wadada u dhaxaysa degmada Eldama Ravine- iyo magaalada Eldoret dhanka ismaamulka Baringo ayaa waxaa ku dhintay 5 qof .
Dadkan ayaa isugu jiro laba habeen iyo saddex rag ah.
Waxay ku safrayeen baabuur yar oo kuwa raaxada ah kaasoo ka yimid Poror kuna wajahnaa Eldama Ravine .
Shilkan ayaa dhacay 5-tii aroornimo ee saaka iyadoo dhammaan 5-ta qof ay isla goobta ku dhinteen.
Taliyaha booliska ee deegaanka Koibatek ,Rashiid Maxamad ayaa sheegay in darawalka uu lumiyay xakameynta baabuurka xilli uu marayay isgoyska Kabonyony taasoo keentay in gaariga uu god weyn ku dhaco.
Gaariga oo aad u burburay ayaa la dhigay saldhigga booliska ee Eldama Ravine halka meydadkana la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here