5 qof oo ku dhintay shil ka dhacay ismaamulka Nandi

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay halka 10 kale ay dhaawacyo culus soo gaareyn kadib markii gaari noociisa ahaa caasi ama matatu kaasi oo ay ku safri karaan ilaa 14 qof uu ku dhacay kanaal ama meel biyo mareen ah.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Nandi Samuel ole Kine ayaa sheeegay in baabuurka uu ka tagay magaalada Eldoret waxaa uuna ku sii jeeday Kericho.
Wuxuu intaas ku daray,in darawalka uu kantaroolka gaariga lu miyay kahor inta uusan ku dhicin kanaalka biyo mareenka.
Wuxuu sheegay in dadka dhaawacmay lagu daaweynayo isbitaalka hoose ee Nandi Hills halka qaar kale loo qaaday isbitaalka dhexe Moi Teaching ee ismaamulka Eldoret si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here