5 qof oo lagu dilay weerar lagu qaaday kaniisad ku taala wadanka Burkina Faso

Laamaha ammaanka ee wadanka Burkina Faso ayaa waxay sheegeen in ugu yaraan 5 qof oo uu kamid yahay baadari lagu dilay weerar lagu qaaday kaniisad ku taalla waqooyiga wadankaas.
Dableey hubaysan oo saarna mooto ayaa la sheegay inay weerarka gaysteen.
Weerarkan ayaa si gaar ah lagu qaaday magaalo yar oo ku taala Silgadji una dhaw magaalada Djibo .
Sido kale weerarkan markii lagu qaaday kaniisada waxaa la waayay laba qof oo aan la aogeyn halke ay jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here