5 qof oo loo haysto inay iska dhigeen saraakiisha difaaca iyo sirdoonka dalka

Saraakiisha waaxda dambi baarista ee dalka ayaa su’aalo weydiinaya 5 eedeysanayaal oo loo haysto inay sheegteen inay ka mid yihiin ciidamada difaaca dalka ee KDF, waaxda adeegga booliska iyo sirdoonka NIS.
Galinkii dambe ee shalay ayaa tuhmanayaashan gacanta lagu dhigay kaddib markii laga shakiyay howlo ay ka wadeen bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxay adeegsanayeen labo baabuur oo taargadooda lagu kala sheegay KBN 433C iyo KCX 732L waxaana lagu qabtay agagaarka dhismaha T-Mall .
Kaddib baaritaano lagu sameeyay gawaaridan ayaa la helay agabka gacmaha looga xiro eedeysanayaasha , taleefoonada gacanta, kaararka ciidamada KDF iyo NIS oo been abuur ah iyo waxyaabo kale.
Dadkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Sharoq Afzal Shah, Jamal Xassan Cali, Fred Ngusare, Francis Saitabau iyo Junaid Maxamuud Cismaan .
Waaxda DCI ayaa shacabka ay dadkan horay u dhibateeyeen ka codsatay inay tagaan xarunteeda deegaanka Lang’ata si ay warbixin u gudbiyaan.
Dhanka kale waxaa gacanta lagu hayaa labo qof oo iska dhigay saraakiisha waaxda dambi baarista oo u yeeray xildhibaan ka soo jeedo Nyanza.

Dennis Moturi Nyakundi iyo Victor Onsare ayaa mudanaha u sheegay in loo haysto fal dambiyeed.
Wararka ayaa intaa ku daraya in mudanaha uu tagay wadada Kiambu Road balse shakhsiyaadka ay u weeciyeen mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Nairobi si ay u wada hadlaan.
Tallaabadaas ayaa mudanaha shaki gelisay kaddibna warbixin ayuu gudbiyay.
Waxaa jiro warar sheegaya in siyaasigan laga dalbaday inuu bixiyo lacag hal milyan oo shilin ah si aan baaritaan ay ciidamada waxba kama jiraan ku tilmaameen loogu sameyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here