5 qof oo loo xiray daroogo sharci darro ah

Ciidamada dambi baarista ee Juja ayaa la wareegay 700 oo kiilogaram oo ah xashiish kaas oo loo xiray 5 qof oo lagu tuhmaya.
Maandooriyahan ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay ciidamada dambi baarista ku qaadeen guri ku yaala Juja.
Dadka loo qabtay xashiishka waxaa ka mid ah milkiilaha gurigaa iyo dad kale oo ciidamada u soo bandhigay laalusha inay ka qaataan.
Markii ay ciidamada weerar ku soo qaadeen gurgii lagu hayay daroogadaas waxay dambiilayaasha ka codsadeen ciidamada inay siiyaan 686,000 oo laaluush ah balse ciidamada waa ay ka diideen si ay daacad ugu gutaan waajibaadka loo igmaday.
Qiimaha daroogada ay ciidamadu qabteen waxaa lagu qiyaasay 4 milyan oo shillinka dalka ah.
Dadka loo qabtay maandooriyahan waxaa ka mid ah wiil 18 sano jir ah.
Ciidamada dambi baarista ayaa waxaa ay sheegeen in geedka xashiishka lagu dhex beerey gurika dhexdiisa.
Booliska ayaa kordhiyay dagaalka ka dhanka ah daroogada sharci darada ah ee dalka.
Daroogada waxaa lala xariiriya inay kordhiso kiisaska halista ah sida dilalka, xatooyada iyo in xita uu qofka isaga u fududahay inuu is dilo.
Warbixin dhowaan ay soo saartay hay’adda u qaabilsan la dagaalanka daroogada ee (NACADA) ayaa sheegtay inay kordheen isticmaalka daroogada.
Waxaa ayna hay’adaas sheegtay in daroogada ay isticmaalaan boqolkiba 14 dhalinyarada ay da’doodu u dhaxeeyso 15 ilaa 24 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here