5 qof oo loo xiray dhac laga gaystay xarun maaliyadeed oo ku taalla Kitui

Ciidamada booliska ee ka howlgalo ismaamulka Kitui ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku dhigeen 5 qof oo ka mid ah shaqaalaha xarun maaliyadeed oo dhac hantiyeed laga gaystay.
Dadkan ayaa loo haysta fal habeenimadii ay sabtida soo galaysay lagu dhacay 1.5 milyan oo shilin.
Eedeysanayaasha ayaa dhammaantood ka shaqeeya xarunta maaliyadda ee Itoleka laanteeda ku taalla degmada Mutune ee bartamaha Kitui .
Ciidamada baaritaanada sameynaya ayaa sheegaya in eedeysanayaasha xabsiga loo taxaabay ay gacan ka gaysteen in la qodo marin loo adeegsaday falkaasi.
Shaqaalaha bangiga ee la qabtay ayaa sido kale lagu eedeyay inay lacagta la xaday geliyeen meelo iyaga u gaar ah intii ay ku keydin lahayeen qasnadaha rasmiga ee xaruntaasi.
Ku xigeenka taliyaha saldhigga booliska ee bartamaha ismaamulka Kitui ,Edward Legei ayaa sheegay inay weli ku howlanyihiin baaritaano dheeraad ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in la helay qalab loo isticmaalay in la sameeyo marinkaasi fududeeyay dhaca hantiyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here