5 qof oo maanta Kenya u dhimatay Corona Virus

Wararkii ugu dambeeyay xanuunka Corona Virus Dalkani Kenya waxaa laga helay 149 xaaladood oo cusub oo caabuqan ah taas oo tirade guud ka dhigaysa inta uu soo ritay 5,533 qof.
Kiisaskan la diiwangaliyay ayaa la helay ka dib markii baaritaano lagu sameeyay 24-kii saacadood eel la soo dhaafay dad gaaraya 3,090.
Ismamaulada laga helay waxaa hogaaminaysa Nairobi oo laga diiwangaliyay 73 kiis
Mombasa 20
Kajiado 15
Siaya 13
Busia 9
Kiambu 8
Taita Taveta 3
Machakos 3
Kilifi, Nakuru, Nandi, Bungoma iyo Isiolo, min (1) case ayaa laga xaqiijiyay.
Xaaladaha dalka laga diiwangaliyay maanta 148 waa Kenyans halka qofna uu yahay ajaanib , 94 waa rag 55 waa dumar waxaana u yar 1 sano jir waxaana u weyn 76 sano.
Dadka ka caafimaaday maanta cudurkan dalka waxaa ay dhan yihiin 48 taas oo bogsashada guud ka dhigtay 1,905 iyadoona ay u dhinteen 5 qof oo dheerad ah dhimashada guud ayaa maraysa 137.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here