5 qof oo shacab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Yemen

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanto gudaha wadanka Yemen ayaa sheegtay in duqeymo dhanka cirka ah lagu dilay 5 qof oo hal qoys ka wada tirsanaa.
Weeraradan oo lagu eedeyay isbeheysiga milatari ee uu Sacuudiga hoggaaminayo ayaa laga fuliyay gobolka Omran ee Yemen.
Wararkan ayaa waxaa baahiyay telefishinka Al-Masirah TV ee lala xariiriyo kooxda ka soo horjeedda dowladda dalkaasi.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in duqeymaha lagu bartilmaameedsaday masjid ay dadkaasi ka ag-dhawayeen halka laba ka mid ah xubnaha qoyskaasi weli la la’yahay.
Hasa ahaate isbeheysiga Milatari ee sanadihii la soo dhaafay la dagaallamayay Xuutiyiintan ayaan weli ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here