50 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay dalka Congo

Ugu yaraan 50 qof ayaa dhimatay kadib markii tareen uu shil ku galay gobolka koonfur-bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah Congo.
23 qof ayay saraakiisha dalkaasi sheegeen inay ku dhaawacmeen shilka.
Steve Mbikayi oo ah wasiirka arrimaha banii’aadanimada ayaa sheegay in shilka uu ka dhacay gobolka koonfurta ku yaalla ee Tanganyika.
Waxaa uu tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkooda ay ku dhinteen shilka tareen.
Tirade dhimashada ayaa sare u sii kici karta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here