500 oo qurbajoog Kenyaan ah oo wadanka dib loogu soo celinaya

Dowladda ayaa sheegtay inuu jiro qorsho dib loogu soo celinaya muwaadiniinta dalka ee ku sugan wadamada kale ee caalamka sida Shiinaha, Ingiriiska iyo India.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ambasadoor Macharia Kamau ayaa maanta sheegay in toddobaadka soo socdo la soo daadgureyn doono 500 oo Kenyaan ah.
Diyaarad ay leedahay shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ayaa 300 oo dadkan ka mid ah ka soo qaadi doonto Shiinaha halka 200 kalena laga soo saaraya India.
Mr. Kamau ayaa intaa ku daray in Kenyaanka ku xayiran India badankooda ay halkaas u raadsadeen daryeel caafimaad.
Xoghayaha ayaa sido kale xusay in ilaa iyo hadda 18 muwaadiniin ah ay dalka dibadiisa ugu dhinteen covid-19.
Waxaa weli isbitaal ku yaalla dalka Sweden ku jiro qof kale oo kenyaan ah kaasoo ay xaaladiisa caafimaad liidato.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in qoysaska doonaya inay soo qaadaan meydadka eheladooda ku dhintay qurbaha ay la bixi doonaan qarshaadka hadii kale waxaa loo ogol yahay hadii ay doorbidayaan inay meydka ku gubaan dalka uu qofka ku geeriyooday.
Sido kale waxaa la filayaa in maalinka Talaadada ee toddobaadka xiga ay diyaarad siddo Kenyaanka ku xayiran Ingiriiska ay ka soo duusho garoonka Heathrow ee magaalada London.
Safiirka Kenya u fadhiya London Mr. Manoah Esipisu ayaa cid kasta oo doonaysa in halkaas laga soo qaado ugu baaqay inay xilli hore isdiiwaangeliso.
Dhammaan rakaabka Kenyaanka ah ee laga keenaya wadamada Shiinaha, India iyo Ingiriiska ayaa laga doonaya inay sitaan dokumeenti caddeynayo inuunan saameyn coronavirus.
Kaddib marka ay dalka yimaadaan waxaa la gelinaya karantiil khasab ah oo soconaya 14 cisho si xaaladooda caafimaad qiimeyn loogu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here