53 dibadbaxayaal ah oo lagu xiray Hong Kong

Ciidamada booliska ee Jamhuuriyadda Hong Kong ayaa xabsiga u taxaabay 53 qof oo ka qeyb qaatay dibadbaxyo halkaas ka dhacay.
Tani ayaa timid kaddib markii boqolaal ka mid ah shacabka Hong Kong oo ay hor kacayaan shakhsiyaadka u ololeeya dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga ay galinkii dambe ee shalay waddooyinka isugu soo baxeen.
Dibadbaxayaasha ayaa waddooyinka xiray ka hor inta aynan ciidamada booliska u adeegsan suntan dadka ka ilimeysiisa oo ay ku kala eryeen.
Dadkan ayaa ka soo horjeeda sharci la xiriira amniga oo dhawaan uu ansaxiyay baarlamaanka dalka Shiinaha kaasoo dembi ka dhigaya inaan la qadarin heesta qaran ee xukuumadda Beijing.
Saraakiisha ammaanka ee Hong Kong ayaa sheegay in dadka la qabtay ay isugu jiraan 36 rag iyo 17 haween ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here