53 ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo ka qeyb galaya kalfadhiga Talaadada

Baarlamaanka dalka ayaa go’aamiyay in 53 xubnood oo keliya oo ka mid ah 349 ay ka qeyb galaan kalfadhiga qabsoomaya maalinka Talaadada ee toddobaadkan.
Mudanayaasha ayaa eegi doono soo jeedino la xiriira canshuurta oo uu dhawaan shaaciyay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Waxaa ka mid ah in canshuurta laga qaado badeecooyinka oo horay ahayd boqolkiiba 16 in laga dhigay boqolkiiba 14.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda dhexe ay ugu jirto inay shacabka ka fududayso culeyska dhaqaale ee uu la yimid cudurka Covid-19.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa sheegay in xildhibaannada kulanka ka qeyb qaadanaya fursad loo siin doono sida ay u soo kala hor maraan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii xildhibaanada iyo shaqaalaha kale ee baarlamaanka ee ay da’dooda la sarreysa 58 sano lagula taliyay inay guriyahooda ka soo shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here