56 qof oo u dhintay caabuqa saameeyay Shiinaha

Waxaa sii korortay tirada dhimashada ee ka dhalatay caabuqa lala xiriirinayo neefsashada ee saameeyay wadanka Shiinaha iyadoo ilaa iyo hadda uu galaaftay nolosha 56 qof.
Tirada dhimasho ayaa sare u sii kacday kaddib markii la soo tabiyay 15 kiis oo dheeraad oo u badan gobolka Hubei.
Tirada guud ee dadka uu saameeyay ayaa ah 2000 oo qof.
Xukuumadda Beijing ayaa qaadday tallaabooyin ay ka mid tahay in la xadido socdaalka oo lagu xakameyay dhaqdhaqaaqa 56 milyan oo qof.
Sido kale waxaa hakad la geliyay howlaha dalxiiska ee gudaha iyo dibadda wadankaas.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in hadda Shiinaha ay ka jirto xaalad degdeg ah balse aan weli la gaarin heer lagu dhawaaqi karo inay tahay musiibo caalami ah.
Madaxweynaha Shiinaha ,Xi Jinping ayaa caabuqa ku tilmaamay halis aad u daran.
Waxay dowladdu mamnuucday in la galo ama laga baxo magaalooyinka gobolka Hubei oo ay soo gaartay saameynta ugu badan.
Dhanka kale waxaa jiro warar sheegaya in firuusiga uu u gudbay wadamo ay ka mid yihiin Faransiiska, Australia , Maraykanka iyo Malaysia oo ilaa afar kiis lagu arkay.
Waxaa maanta oo Axad ah magaalada ugu weyn gobolka Hubei ee Wuhan ka dhaqangelaya amar baabuurta looga mamnuucayo waddooyinka.
Magaaladaas waxaa ku nool 11 milyan oo qof.
Sido kale waxaa la hakiyay basaska safarrada dheer u kala goosho ee ka baxa ama soo galo caasimadda Shiinaha ee Beijing oo hooy u ah ilaa 20 milyan oo qof.
Maamulka magaalada Waqooyi ee dariska la ah ee Tianjin ayaa sheegay in berri ay tallaabo tani la mid ah qaadi doonaan.
Laga billaabo berri oo isniin ah waxaa la hakinaya safarrada kooxaha dalxiiska ee dibadda uga imaanaya Shiinaha.
Safarrada gudaha ee wadankaas ayaa la joojiyay ilaa iyo maalinka Jimcada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here