58 Qof oo ku Dhimatay Dalka Niger kaddib Markii ay Qaraxday Booyad Shidaal

Pall bearers carry coffins during the funeral service for people killed during clashes between cattle herders and farmers, on January 11, 2018, in Ibrahim Babangida Square in the Benue state capital Makurdi. Violence between the mainly Muslim Fulani herdsmen and Christian farmers has claimed thousands of lives across Nigeria's central states over the past few decades. The conflict is being driven by an increasing need for resources -- primarily land and water -- and is often exacerbated by ethnic and sectarian grievances. / AFP PHOTO / PIUS UTOMI EKPEI

Dad ay tiradoodu   gaarayso  58  qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen  caasimadda wadanka Niger ee  Niamey kaddib markii  ay gaddoontay oo ayna qaraxday booyad shidaal.

Waxaa uu sido kale burbur soo gaaray  guriyo halkaasi ku yaalla  oo uu dabku qabsaday.

Dad badan oo ay ka mid yihiin  kuwa kaxeeya  mootooyinka ayaa  ku sugnaa goobta   ay booyaddu  ku gadoontay  kuna gubatay.

Dadka dhintay  ayay wararku sheegayaan inay  isku dayeen inay  saliidda  daadanaysay  dhaansadaan  kaddib inta  uunan  dab ka kicin booyadda .

Madaxweynaha dalka Niger Mahamadou Issoufou  ayaa isbitaalka ku booqday qaar ka mid ah dhaawaca isbitaalada la geeyay.

Wasiirka arrimaha  gudaha  ee dalkaasi   Maxamad  Bazoum  ayaa sheegay inay dhaawacmeen 37 qof oo  badankoodu ay xaaladoodu halis tahay.

Sannadkii  2012-kii ayay ahayd markii in ka badan  100 qof ay ku dhimatay   qarax  noocan oo kale ah  oo ka dhacay  dhanka koonfureed ee   Nigeria

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here