6 bilyan oo loo qoondeeyay dib u dejinta barakacayaasha daadadka

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inay lacag dhan 6.1 bilyan oo shilinka wadanka ah u qoondeysay sidii wax looga qaban lahaa saameynta ka dhalatay daadadka ku dhuftay qeybo badan oo dalka ka mid ah.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in dhaqaalahan loo adeegsan doono in dib loogu dhiso kaabayaasha burburay.
Waxay sido kale tani gacan ka gaysan doontaa in dib u dejin loo sameeyo qoysaska barakacay.
Mr. Oguna ayaa ku nuuxnuuxsaday in la qaadayo tallaabooyin lagu xaqiijinayo sidii qoysaska barakacay ee hadda xerooyin ku meel gaar ah hooy ka dhiganaya ay muddo sadedx bilood gudahood ah dib ugu laaban lahaayeen guriyahooda.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa hoosta ka xarriiqday in la rajeynayo in roobabka da’aya ay sii socdaan ilaa dhammaadka bishan Diseembar ama toddobaadka ugu horreeya ee bisha koowaad ee sannadka 2020-ka.
Dadweynaha ayaa loogu baaqay inay taxaddar dheerad ah muujiyaan oo aynan ku dhex socon ama baabuur ku dhex kaxeyn biyaha, in haddii ay deggan yihiin meelaha jooggoodu hooseeya ee inta badan daadadka iyo dhul go’a u nugul ay u wareegaan goobaha sare sido kalena aynan gabbaad ka dhigan geedaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here