6 eedeysanayaal ah oo lala xariiriyay dilal ka dhacay Kakamega oo la siidaayay

Maxkamadda ayaa siidaysay 6 eedeysane oo lala xariiriyay dilal laga gaystay degmada Matungu ee ismaamulka Kakamega kaddib markii wax caddeeyn ah lagu waayay.
Waxay dhammaan ka soo hormuuqdeen garsoore William Lopokoiyit oo ka howlgalo maxkamadda Kakamega.
Kaddib markii uu dhageystay dacwadaha lagu soo oogay eedeysanayaasha ayuu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan xuriyadooda dib loogu soo celiyo.
Waxaa uu go’aankaasi ku saleeyay in saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda aynan soo bandhigin caddeeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo eedeymaha ay maxkamadda u soo gudbiyeen.
Magacyada eedeysanayaasha la siidaayay ayaa ah Augustine Juma, Adam Were, Dismas Mukoya, Juma Shichenyi, Peter Ameche iyo Maxamad Makhoha.
Muddo sagaal maalmood ah ayay xabsi ku jireen ka hor inta aan la siidayn.
Sido kale waxaa dacwado lagu soo oogay 8 eedeysanayaal dheeraad ah balse dacwad oogayaasha ayaa codsaday muddo dheeraad ah oo ay baaritaanada ku soo gabagabeynayaan

Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu laamaha ammaanka ku amray inay soo afjaraan dilalka kala duwan ee dalka ka dhacaya.
Amarkan ayuu soo saaray kaddib markii la helay meydka nin ay wada dhasheen barasaabka ismaamulka Uasin Gishu Jackson Mandago .
Mr. Kenyatta ayaa carrabka ku dhuftay inaan marnaba la ogolaan Karin inay baxsato oo aan lala xisaabtamin cid gaysatay dilal sharci darro ah oo hadii aan wax laga qaban khalkhal gelin karo xasiloonida guud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here