6 ka mid ah safaaradaha Kenya ee caalamka oo bixinaya baasaboorro dijitaal ah

Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma ayaa shaaca ka qaadday in 6 ka mid ah safaaradaha Kenya ay ku leedahay wadamada kale ee dunida ay dhawaan billaabayaan bixinta baasaboorrada dijitaalka ah.
Safaaradahan ayaa ku kala yaalla Maraykanka, Shiinaha , isku tagaga imaraadka carabta , ingiriiska, Faransiiska iyo koonfur Afrika.
Tallaabadan ayaa meesha ka saaraysa culeyka qurbajoogta Kenyaanka ah ay ku qabeen inay dokumeentiyadooda u soo dirsadaan Nairobi si howshan loogu dhameeyo.
Dhanka kale wareegto uu madaxa waaxda shaqaalaha Mr. Joseph Kinyua soo saaray 14-kii bishii afaraad ee sannadkan ayay dowladdu ku mamnuucday in saraakiisha aynan dibadda u safrin iyagoo aan qaadan baasaboorka casriga ah.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo isticmaalka baasaboorka caadiga ah ee dalka uu ku egyahay dhammaadka bisha sideedaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here