6 qof oo dheeraad oo gudaha dalka ugu dhimatay COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa galabta shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay gudaha Kenya cudurka COVID19 ugu dhinteen 6 qof oo kale.
Tani ayaa dhimashada guud ka dhigtay 766 qof.
Sido kale waxaa uu cudurku haleelay 388 qof oo dheeraad ah waxayna hadda tirada guud ee kiisaska corona ee wadanka tahay 41,546.
Natiijooyinkan ayaa laga soo saaray baaritaano lagu sameeyay dheecaan dhan 4,287.
Dadka ugu dambeeyay ee cudurka laga helay 383 ka mid ah waa Kenyaan halka 5 ay ajaaniib yihiin.
Marka la eego jinsiyadda waxay isugu jiraan 284 lab iyo 104 dheddig ah.
Kiisaska cusub ee coronavirus ee maanta la shaaciyay waxaa laga kala xaqiijiyay ismaamullada kala ah Nakuru 86, Nairobi 84, Mombasa 51, Trans Nzoia 49, Kiambu 29, Kisumu 17, Kericho 11, Meru 10, Busia 10, Bungoma 8, Machakos 7, Garissa 5, Kajiado 3, Tharaka Nithi 3, Nyamira 3, Nyeri 2, Siaya 2, Makueni 2, Nandi 2, Kwale 2, iyo Nyandarua 2 ah.
Gudaha dalka tan iyo bishii saddexaad ee sanadkan oo markii ugu horeysay coronavirus laga xaqiijiyay waxaa lagu baaray dheecaan gaaraya 591, 198
Tirada dadka ee ka caafimaaday cudurka ayaa gaartay 31,000 kaddib markii 63 bukaan oo dheeraad ah ay bogsadeen.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo maalinka berri ah uu qorshuhu yahay in ardayda fasallada afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo ardayda dhigata fasalka afaraad ee dugsiyada sare ay dib ugu laabtaan goobaha waxbarashada oo xirnaa laga soo billaabo bartamihii bishii saddexaad ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here