6 qof oo ku dhintay India

Ilaa 6 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka India halka 18 kalena weli la la’yahay kaddib markii biyo xireen uu qarka jabsaday.
Dhacdadaasi ayaa ka dhalatay roobab xooggan oo ka da’ay gobolka galbeed ee Maharashtra.
Waxaa weli socdo howlaha samata bixinta sida laga soo xigtay afhayeenka waaxda India u qaabilsan maareynta musiibooyinka ,Alok Awasthy oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP.
Dhanka kale waaxda saadaasha hawada ee India ayaa ka digtay in maalmaha soo socdo ay roobab lixaad leh ka di’I karaan qeybo ka mid ah Mumbai.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here