6 qof oo ku dhintay shil ka dhacay wadada isku xirto Nairobi iyo Nakuru

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in 6 qof ay ku dhinteen shil xalay laga soo tabiyay meel aan sidaasi uga fogeyn goobta loo yaqaano Kinungi ee ku taalla agagaarka wadada weyn ee isku xirto magaalooyinka Nairobi iyo Nakuru.
Shilka ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaado iyo nooca ay dadweynaha raacaan ee mataatuuda.
Toban qof oo kale ayay dhaawacyo kala duwan shilkan ka soo gaareen waxaana hadda lagu dabiibaya isbitaalka magaalada Naivasha
Goobjooge magiciisu ku sheegay Peter Kariuki ayaa laga soo xigtay in shilku uu dhacay kaddib markii darawalkii mataatuuda kaxeynayay uu iskudayay inuu gawaari dhowr ah ka hormaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here