6 qof oo la xiray kaddib howlgalo ka dhan ah nadaafad darrada

Kormeerayaal ka tirsan maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga u taxabeen 6 qof kaddib markii ay sameyeen howlgalo lagula dagaalamayo nadaafad darrada .
Waxaa sido kale albaabada la isugu dhuftay ugu yaraan 5 warshadood oo lagu eedeyay inaynan sida habboon u maareynin bullaacadaha .
Maamulka NEMA ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalada socdo ay yihiin kuwo looga gol leeyahay in meesha looga saaro shirkadaha wasaqeeya webiga Nairobi.
Dadka la xiray waxaa ka mid ah Siraj Sharrif oo ka mid ah maamulayaasha shirkadda Mas Tanners Ltd), Benard Nyamae oo xilkaasi ka haya shirkadda Nairobi Tanners Ltd) iyo James Kamorho oo isna ah kormeeraha howlaha shirkadda Far Horizon Hides and Skins).
Waxaa eedeysanayaasha la geeyay saldhigga booliska ee deegaanka Lang’ata maanta ayaana la filayaa in maxkamadda Kibera la soo taago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here