6 qof oo lagu toogtay Maraykanka

Toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taalla gobolka Wisconsin ee Maraykanka ayaa lagu dilay ilaa 6 qof kaddib markii mid ka mid ah shaqaalaha uu rasaas furay.
Booliska ayaa sheegaya in eedeysanaha oo dhalasho ahaan ka soo jeedo magaalada Milwaukee uu isna isdilay.
Ciidamada ammaanka ayaa intaas ku daray in ninka weerarkaas gaystay oo da’diisu ay ku sheegeen 51 sano uu u geeriyooday dhaawac uu qudhiisa isku gaystay.
Duqa magaalada Milwaukee Tom Barrett ayaa dhibaatada dhacday iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay ku tilmaamay mid argagax leh.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dhankiisa tacsi u diray qoysaska shakhsiyaadka la toogtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here