6 qof oo loo xiray weerarkii Faransiiska

Ciidamada booliska ee dalka Faransiiska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen labo qof oo dheeraad ah oo lala xiriirinayo weerarkii mindida loo adeegsaday ee maalmo ka hor ka dhacay magaalada Nice ee wadankaas.
Tirada dadka ee falkan ilaa iyo hadda loo qabtay ayaa ah 6 qof.
Weerarkaas oo laga fuliyay kaniisad ayaa waxaa ku dhintay saddex qof.
Nin lagu tuhmay inuu falkan gaystay oo da’diisu lagu sheegay 21 sano dhalasho ahaanna ka soo jeedo Tunisia ayay ciidamadu toogteen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here