6 qof oo u dhashay Turkiga kuna xirnaa Liibiya oo la siidaayay

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in wadanka Liibiya laga soo siidaayay 6 qof oo muwaadiniinteeda ka mid ah oo horay loo xiray.
Dadkan dib u helay xuriyadooda ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidamo taabacsan taliyaha militariga Khalifa Haftar.
Dowladda Turkiga ayaa taageersan dowladda uu caalamka aqoonsanyahay ee uu fadhigeedu yahay magaalada Tripoli.
Shalay ayay ahayd markii wasaaraddu ay sheegtay in maleeshiyada bariga Liibiya la bartilmaameedsanayo hadii dadka u xiran aan sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo daynin , digniintaasi oo hadda u muuqato in loo hoggaansamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here