60 ka mid ah milatariga Yemen oo weerar lagu dilay

Weerar kooxda Xuutiyiinta ay ka gaysatay gudaha dalka Yemen ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen 60 ka mid ah ciidamada difaaca ee wadankaas.
Telefishinka boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Al Ekhbariya ayaa baahiyay in tiro kale oo dhowr ah la dhaawacay.
Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Marib ee dhanka Koonfurta Yemen waxaana loo adeegsaday gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Tan iyo bishii saddexaad ee sannadii 2015-kii , isbeheysi milatari oo uu Sacuudiga hoggaaminayo ayaa dagaal kula jiray kooxda Xuutiyiinta ee ka soo hor jeedda dowladda Yemen.
Dagaalka oo galay sannadkii shanaad ayaa waxaa ka dhashay xaalad baniaadannimo oo aad u daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here