60 qof oo loo xiray xatooyo dhanka imtixaanaadka KCSE

Wasiirka wasaarada waxbarashada ee dalka Prof George Magoha ayaa shalay sheegay in ila iyo hadda la soo qabtay 60 qof Waxaa sidoo kale la soo helay 50 telefoon oo ah kuwa gacanta
Dadkan iyaga ah ayaa lagu eedeyay inay ku kaceen wax isadabamarino ku saabsan imtixaanadka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiga sare (KCSE)
Prof .Magoha ayaa arrintan soo hadal qaaday xilli uu ku sugnaa Dugsiga Sare ee Gabdhaha ee St George ee ku yaala magaaladatani Nairobi, Magoha ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaarisay tallaabooyin ku habboon oo looga hortagayo nooc kasta oo qish ka dhan ah imtixaanka isagoo sidoo kale kula dardarmay ilaaliyaasha imtixaanka in ay feejignaan badan sameeyaan si looga hortagaa xatooyada imtixaanka iyo qishka
Wasiirka ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan, ay ku faraxsanayihiin sida imtixaannada illaa iyo hadda u socdaan.
Prof Magoha ayaa waxa kale oo uu sheegay in dawladdu ay dib u qiimayn ku samaynayso maamulka imtixaanaadka qaran si loo hubiyo in si adag loo maareeyo xarumaha imtixaanka, iyada oo ay jiraan walaac laga qabo kiisaska sareeya ee imtixaanada laga soo tabinayo
Dawaan ayey ehed markii 11 qof oo lagu eedeyay inay iska dhigeen arday si ay u sameyaan imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiga sare (KCSE) ee xabsiga loo taxaabay
Dadkan ayaa laga soo qabtay dugsiga sare ee Milimani Ramasha ee dowlad deegaanka Kisii.
Prof Magoha ayaa uu balan qaaday in la abaalmarin doono ilaaliyaasha ka hortaaga joojinta qishka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here