61 dhaqaatiir ah oo shaqada laga joojiyay Laikipia

Guddoomiyaha dowlad deegaanka Laikipia Ndiritu Muriithi ayaa shaqo joojin ku sameeyay 61 dhaqaatiir ah oo ka hawlgalayay ismaamulkaasi kuwaas oo mudooyiinkii la soo dhaafay shaqo joojin ku guda jiray.
Mr Muriithi, oo qabtay shir saxaafadeed ayaa sheegay in dhawaan uu shaacin doono saraakiisha buuxin lahayd boosaska dhaqaatiirta iska dhigtay qalabkii ay ku shaqaynayeen.
Dhaqaatiirta laga istaajiyay shaqada ayaa ku jiray shaqo joojin ilaa 23 cisho ah iyagoona aan loo hirgalin heshiiskii kala dhaxeeyay CBA.
Waxay horey u soo saareen ogeysiis shaqo joojin 14 maalmood ah ka dib inta aysan ku dhaqaaqin shaqo joojinta.
Dhaqaatiirtan ayaa wacad ku maray inay shaqo joojinta sii wadi doonaan inta ay maxkamada go’aan ka soo saari doonto,
Shaqo jiinta dhaqaatiirtan ayaa saameyn weyn ku yeelatay goobihii caafimaadka ee ismaamul goboleedka Laikipia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here