68 ka mid ah ardayda dugsiga sare ee gabdhaha ee Bahati oo laga helay COVID-19

Dowladda ismaamulka Nakuru ayaa maanta shaacisay in cudurka COVID-19 uu saameeyay 68 arday iyo shan ka mid ah macallimiinta dugsiga sare ee gabdhaha ee Bahati .
Mid ka mid ah ardaydan ayaa lagu daryeelayaa isbitaalka weyn ee ismaamulkaas.
Wasiirka caafimaadka ee Nakuru Dr. Kariuki Gichuki ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in shakhsiyaadkan la geeyay goobo gaar ah.
Waxaa uu intaa ku daray in karantiil la geliyay 115 kale oo arday ah oo fayraska corona looga shakisan yahay maadaama ay si dhow ula macamileen kuwa laga helay.
Dr. Gichuki ayaa sidoo kale xusay in la howlgeliyay khuburro caafimaad oo si dhow ula socdo xaaladda macallimiinta iyo ardayda ee uu cudurka soo ritay qaar ka mid ahna lagu tuhmayo.
Wasiirka ayaa dhanka kale shacabka ugu baaqay inay si buuxda ugu hoggaansamaan talooyinka lagu xakameynayo faafidda caabuqa corona.
Dhanka kale xoghayihii hore ee dowladda ismaamulka Nairobi Dr. Robert Ayisi ayaa u geeriyooday cudurka COVID-19 si ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah qoyskiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here