7 eedeysanayaal ah oo lagu xiray Mombasa

Waxaa xalay deegaanka Kisauni ee ismaamulka Mombasa lagu xiray 7 qof oo lala xiriirinayo falal dambiyeedyo dhawaan halkaasi ka dhacay.
Magacyada eedeysanayaashan ayaa lagu kala sheegay Abubakar Mothar ,Maxamad Juma Bakari ,Shaban Nyati,Maxamad Cabdallah , Maxamad Badi ,Said Salim Ndaro iyo Seif Kai Makembamba .
Ciidamada ammaanka ayaa dadkan gacanta ku soo dhigay kaddib xog ay ka heleen dadweynaha.
Saldhigga booliska ee Kisauni ayay hadda ku jiraan iyadoo su’aalo la weydiinaya baaritaano ka dhan ahna ay socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here