7 qof oo daacuun ugu dhimatay Marsabit

Wararka naga soo gaaraya Illeret oo ka tirsan deegaanka North Horr, ee ismaamulka Marsabit ayaa sheegaya in cudurka daacuunka oo halkaas la dillaacay ay u dhinteen 7 qof.
Wasiirka caafimaadka ee Marsabit ,Jama Wolde ayaa sheegay in laba ka mid ah dadkan ay ku dhinteen isbitaalka xilli la daaweynayay.
5-ta qof ee kale ayaa ku geeriyooday tuulooyin kala duwan.
Dadka uu cudurka daacuunka noloshooda galaaftay waxaa ka mid ah canug yar.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in la daaweeyay kaddibna isbitaalka laga saaray 134 qof tan iyo maalinkii Talaadada ee toddobaadkan.
Toddobaad ka hor ayay ahayd markii cudurka uu ka dillaacay degmada Bubua oo ka tirsan dalka Itoobiya oo daris la ah Marsabit.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here