7 qof oo ilaa iyo hadda ku dhimatay gurigii ku dumay Embakasi

Tirada dhimashada ee ka dhalatay dhismihii maalinkii jimcada ee la soo dhaafay ku dumay xaafadda Taasia , deegaanka bariga Embakasi ee magaaladatani Nairobi ayaa ilaa iyo hadda gaartay 7 qof kaddib markii maanta la soo helay meydadka laba ruux oo dheeraad ah.
Waxaa ilaa iyo hadda la soo samata bixiyay 18 qof iyadoo meydadka la helay ee dheeraadka ah lagu sheegay nin 25 sano jir ahaa iyo gabadh yar.
Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa sheegaysa inaan weli meel lagu ogeyn 24 qof.
18-ka la soo badbaadiyay , 16 ka mid ah ayaa isbitaalka laga saaray kaddib markii la daaweeyay.
Isku duwaha ammaanka ee Nairobi ,Kang’ethe Thuku ayaa sheegay in ciidamada milatariga dalka ay la wareegeen howlaha samata bixinta maadaama la rumeysan yahay inay haystaan qalab casriyeysan sido kalena khibrad durugsan ay u leeyihiin arrimaha badbaadinta.
Baaritaanada hor dhaca ah ayaa muujinaya in daartaasi laga dhisay meel biyo mareen ah.
Howlgallada halkaasi ka socdo iyo sifeynta burburka dhismahaasi oo ka koobnaa 6 dabaq ayaa la filayaa inay sii socdaan laba maalmood oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here