7 qof oo Itoobiyaan ah oo lagu xiray Makueni

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Makueni gaar ahaan deegaanka Kibwezi ayaa gacanta ku dhigay 7 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Itoobiya.
Dadkan oo ku wajahnaa Mombasa ayaa lagu qabtay magaalada Mtito Andei.
Waxaa lagu eedeyay in ay gudaha dalka si sharci darro ah ku joogaan .
Taliyaha booliska ee ismaamulka Makueni Joseph Ole Naipeyan ayaa warbaahinta u sheegay in ay baaritaano dheeraad ah sameynayaan.
Wuxuu intaa ku daray in eedeysanayaasha iyo darawalkii baabuurka ay saarnayeen oo Kenyaan ah galinka dambe ee maanta la soo taagi doono maxkamadda Makindu.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here