7 qof oo ku dhimatay diyaarad ku burburtay dalka Venezuela

7 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dalka Venezuela kaddib markii ay burburtay diyaarad uu militarigu leeyahay oo ka mid ah nooca qummaatiga u kaco ee loo yaqaano Helikobtarka.
Wasaaradda gaashaandhigga ee wadankaasi ayaa bayaan ay soo saartay shaaca kaga qaadday in diyaaraddu ay ku dhacday meel u dhow caasimadda Caracas.
Waxasa uu qorshuhu ahaa in diyaaraddan ay duulimaad ku tagto gobolka bartamaha galbeed ee Venezuela ee Cojedes ka hor inta aynan soo dhicin.
Maamulada dalkaasi ayaa guda galay baaritaano ku aaddan burburka diyaaradeed si loo xaqiijiyo sababta ka dambeysa.
Madaxweynaha Venezuela Mr. Nicolas Maduro ayaa bartiisa twitarka ku sheegay inuu la murugooday dhimashada ka dhalatay burburka diyaaradda oo uuna tacsi u dirayo ehelada dadkii ku dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here