7 qof oo loo xiray sarkaal lagu tooriyeeyay Hong Kong

Ciidamada booliska ee Jamhuuriyadda Hong Kong ayaa maanta oo Jimco ah sheegay inay xabsiga u taxabeen 7 eedeysanayaal ah.
Dadkan ayaa loo haystaa in xilli ay dibadbaxyo socdeen ay garab siiyeen nin lagu eedeyay inuu mindi geliyay sarkaal boolis ah.
Mudaharaadyada oo looga soo horjeeday sharci la xiriira amniga qaran oo uu soo rogay Shiinaha ayaa dhacay koowdii bishan .
Shakhsiyaadka la xiray ayaa isugu jiro shan rag iyo labo haween ah waxayna da’dooda u dhaxaysaa 24 ilaa 71 sano.
Sarkaal sare oo ka tirsa booliska Hong Kong oo lagu macabaabo Yau Kin-hung ayaa sheegay inay eedeysanayaal kale gacanta ku soo dhigi doonaan.
Tan iyo billowgii bishan ciidamada ammaanka ee Hong Kong ayaa xiray in ka badan 300 qof oo dibadbaxyada ka qeyb qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here