7 qof oo u dhimatay cudurka Covid-19 dalkani Kenya

Dalka ayaa waxa laga diiwaan galiyay 184 ka dib markii la baaray dheecank 4,700 oo qof afar iyo labaatankii saac ee anu soo dhaafnay.
Wasaraada caafimaadka ayaa ku sheegtay war saxafadeed ay soo saartay in xaaladahan cusub isugu jiraan 110 rag ah iyo 74 haween ah, da’adooduna u dhaxeyso 2 bil ila 88 sano. Kiisaskan 170 waa Kenyan halka 14 ay ajaaniib yihiin.
Xaaldahan cusub ayaa waxay kiisaska guud ka dhigayaan 38,713.Halka dheecanka la baaray tan iyo markii la xaqiijiyay Kiiskii ugu horeeyay ee Viruska Corona 552,646.
Kiisaska waxa laga diiwan galiyay ismaamulada kala ah ,Nairobi 58, Mombasa 22, Kisumu 20, Nakuru 13, Kericho 13, Trans Nzoia 8, Laikipia 7, Machakos 7, Uasin Gishu 6, Narok 6, Kisii 6, Kiambu 4, Kwale 4, Homabay 3, Bomet 2, Embu 2, Galbeedka Pokot 1, Makueni 1, Nandi 1 iyo Siaya 1.

115 bukaan ayaa sido kale ka caafimaaday cudurka.

Dhanka kale 7 bukaan ayaa u geeriyootay xanuunka waxyna wadarta guud ee dhimashadu ka dhigaysaa 718.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here