73 boqolkiiba dumarka saxafiyinta dalka oo la kulmo faraxumeyn

73 boqolkiiba haweenka saxufiyiinta dalkani kenya ayaa la kulmo xadgudub la xiriira faraxumeeyn sida ku xusan warbixin uu soo saaray golaha warbahinta dalka MCK
Warbixintan ayaa lagu sheegay kuwa arrintan halista ugu jira in ay yihiin wakiil wareedyada iyo kuwa ka soo warama meelaha ka baxsan magalooyinka.
Maamulaha MCK u qaabilsan aqoonsiga wariyanimo Dinah Ondari ayaa sheegtay in sahanka ku aadan dhibatoyinka galmada u ka caawinaayo in la ogaado tirada dhibatoyinka ayna tani tahay bilawga safarka ay u galayaan ilaalinta xuquuqda wariyaasha dumarka ah.
Sahaanka aya la sameeyay iyaado lagu saleynayo maalinka caalamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta (IDEI)
Sida ay sheegtay Ms. Ondari, sahankan ayaa gacan ka geysanayaa abuurida wacyigelin ku saabsan noocyada kala duwan ee faraxumeynta galmada iyadoona inta ay ku daartay in ay jiri kaaran dhibanayaal aan ka hadli karin waxyabihi loo geeystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here