77 qof oo ay duurjoog dishay sannadkii hore

Wasiirka wasaaradda dalxiiska ee dalka Mr. Najib Balala ayaa sheegay in sannadkii hore ee 2018-kii ,77 qof ay gudaha dalka ugu dhinteen dhibaatooyin ka soo gaaray qaar ka mid ah duurjoogta dalka.
Intii u dhexeysay 2014-kii ilaa 2017-kii in ka badan 400 oo qof ayaa dhimashadoodu arrintan loo sababeeyay.
Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in 2018-kii in duurjoogta dalka ay dhaawacyo gaarsiiyeen ilaa 1,263 oo ruux halka ay sido kale burbur u gaysteen 501 oo hanti ah.
Waxaa dhanka kale duurjoogta ay dadka xoolo dhaqatada ah ka laayeen 735 oo neef.
Wasiirka ayaa maanta warbixintan u bandhigay guddiga dalxiisak ee aqalka sare.
Waxaa uu Mr. Balala qiray in isku dhacyada u dhexeya aadanaha iyo cidoodka ay weli tahay khatar jirta oo ay saameyn ka dhalato.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in maroodi uu dad ku dilay ismaamulada kala ah Kajiado, Narok, Taita Taveta , Makueni ,Laikipia, Lamu iyo Meru.
Mr. Balala ayaa aqalka sare u sheegay in magdhow lacageed oo dhan 1.5 lagu bixiyay 166 oo ah dhimashooyin loo aaneeyay duurjoogta.
Miisaaniyad sannadeedka 2019/2020-ka ayay dowladdu u qoondeysay 579 milyan oo ah lacag lagu bixinayo magdhow marka cidoodka ay shacabka , xoolahooda ama hantidooda waxyeeleyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here