793 oo ku kordhay kiisaska Coronavirus ee Jarmalka

Waxaa sare u sii kacday tirada kiisaska caabuqa coronavirus ee laga diiwaangeliyay gudaha dalka Jarmalka.
Machadka dabagalka ku sameeya cuduurada faafa ee RKI ayaa sheegay in 24-tii saac ee la soo dhaafay la xaqiijiyay kiisas cusub oo dhan 793.
Tani ayaa tirada guud ka dhigaysa 162,496.
Sido kale waxaa la diiwaangeliyay 74 kiis oo dhimasho ah waxaana ilaa iyo hadda gudaha wadanka Jarmalka cudurka Covid-19 ugu dhintay 6,649 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here