8 ka mid ah wadayaasha baabuurta xamuulka oo loo diiday inay dalka soo galaan

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 8 ka mid ah darawaliinta baabuurta xamuulka oo ka yimid dhanka dalka Tanzania loo diiday inay Kenya soo galaan.
Arrintan ayaa timid kaddib markii cudurka covid-19 looga baaray xadka magaalada Namanga kaddibna la xaqiijiyay inay cudurka qabaan.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in xuduudda Kenya ay la wadaagto wadamada dariska la ah kormeer dheeraad ah laga sameynaya.
Waxay hoosta ka xarriiqday in hadda ay halis sare ka jirto dhanka xuduudda balse dowladda iyadoo kaashanaysa dalalka dariska ah ay xaaladdan sida ku habboon ula tacaalaysa.
Dr. Mwangangi ayaa shacabka ugu baaqday inay isdejiyaan oo aynan walaac xad dhaaf ah muujin.
Xadka dhanka magaalada Namanga ayaa diiradda la saaray kaddib markii ilaa 25 darawaliin ah uu haleelay cudurka covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here