8 qof oo burcadnimo looga shakiyay oo lagu toogtay Nairobi

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay xalay xaafadda Industrial Area ee magaalada Nairobi ku toogteen 8 qof oo lagu tuhmay inay burcad yihiin.
Dilka ayaa yimid kaddib markii kooxdan ay isku dayday inay dhac hantiyeed ka gaysato mid ka mid ah bakhaarrada halkaas ku yaalla.
Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in afar eedeysanayaal oo kale ay baxsadeen kaddib markii la dhaawacay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in meydadka sideedda qof ee xalay abaare 10-kii habeenimo la toogtay la geeyay goobta meydadka la dhigo ee City mortuary ee Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here