8 qof oo ku dhimatay dab ka kacay dalka Czech

Ilaa 8 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dab ka kacay xarun hooy u ah dadka naafada oo ku taalla magaalada Vejprty ee jamhuuriyadda Czech Republic.
Dhacdadan oo la soo tabiyay saacadihii hore ee maanta ayaa waxaa sido kale ku dhaawacmay 30 qof oo dheeraad ah sida laga soo xigtay saraakiisha waaxyaha dab damiska iyo gurmadka degdega ah.
Waxaa halkaas lagu xannaaneeyaa ragga uunan lixaadka u dhameystirneyn iyo kuwa qabo xanuunada dhimirka.
Waa dabkii labaad ee ugu weynaa ee wadankaas saameeya muddo 30 sano ah.
Sannadkii 2010-kii ayay ahayd markii 9 qof ay ku dhinteen dab qabsaday dhismo ay ku noolaayeen dadka hooy la’aanta ah.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in dabku uu ka kaco xaruntaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here