8 qof oo loo xiray fadeexaddii biyo xireenada Rift Valley

Ilaa iyo hadda waxaa gacanta dowladda ku jiro 8 eedeysanayaal ah oo uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Mr. Henry Rotich oo maanta iska xaadiriyay xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista kaddib amar ka soo baxay agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda Mr. Nuurdiin Xaaji.
Mr. Xaaji ayaa saaka shir jaraaid oo uu qabtay ka soo saaray amar ah in xabsiga loo taxaabo Rotich iyo saraakiil kale oo sar sare oo ka tirsan wasaaraddaasi.
Waxaa dadkan loo haystaa fadeexaddii muranka dhalisay ee mashaariicda biyo xireenada Arror iyo Kimwarer ee ismaamulka Elgeyo-Marakwet.
Eedeysanayaasha kale ayaa waxaa ka mid ah xoghayaha wasaaradda maaliyadda Kamau Thugge , xoghayaha wasaaradda jaaliyadda bariga Afrika Susan Jemtai Koech iyo agaasimaha guud ee maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA ,Geoffrey Mwangi Wahungu.
Mr .Wahungu ayaa laga soo qabtay ismaamulka Tharaka-Nithi ee bartamaha dalka waxaana la geeyay xarunta DCI ee Nairobi.
Saraakiishan ayaa lagu eedeyay inaynan u hoggaansamin shuruucda dastuuriga ah shacabkana ay marin habaabiyeen marka laga hadlayo maareynta lacagihii dowladda dhexe ay mashruucaasi ku bixisay.
Fulinta mashruucan ayaa loo xilsaaray shirkad laga leeyahay Talyaaniga oo lagu magacaabo CMC Di Ravenna hasa ahaate waxaa su’aalo la geliyay qaabka in ka badan 20 bilyan oo shilin ay wasaaraddu ku bixisay iyadoo mashruucaasi aan la dhaqangelin.
Mr. Xaaji ayaa sido kale sheegay in shirkaddan la siiyay saddex qandaraas oo kale in kastoo mashaariicdaasi qaarkood aynan billaaban ama la dhameystirin.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda ayaa xusay inay hayaan caddeeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo in dacwad lagu soo oogo eedeysanayaasha.
Dadka kale ee fadeexadda la xariirta mashruucaasi loo haysto waxaa ka mid ah maamulihii hore ee maamulka KVDA, David Kipchumba Kimosop
Kennedy Nyakundi Nyachiro – oo ah khabiir sare oo dhanka dhaqaalaha u qaabilsan wasaaradda maaliyadda.
Jackson Njau Kinyanjui – agaasimaha waaxda isku dubaridka kheyraadka ee wasaaradda maaliyadda.
Titus Muriithi – kormeeraha guud ee shirkadaha dowladda.
Paulo Porcelli –agaasime ka tirsan shirkadda talyaaniga ee Director, CMC di Ravenna
William Kipkemboi Maina – madaxa qeybinta qalabka ee maamulka KVDA
Paul Kipkoech Serem –maamulaha adeegyada injineernimada ee KVDA
Francis Chepkonga Kipkech , Samuel Kimutai Kosgei ,
David Juma Onyango ,Patrick Kiptoo iyo Elizabeth Kebenie oo ah xubno ka tirsan guddiga qandaraaska ee maamulka KVDA
David Walunya Ongare iyo Boniface Mamboleo Lengisho oo ka howlgalo NEMA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here