8 qof oo loo xiray xatooyo dhanka imtixaanaadka ah

Iyadoo maanta la soo gabagabeynayo imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe (KCPE) ayaa waxaa ilaa iyo hadda xabsiga loo taxaabay 8 eedeysanayaal ah oo loo haysto inay wax isdaba marin sameeyeen.
Dadkan ayaa laga qabtay dugsiga Hezta Academy ee deegaanka Ol Kalou , ismaamuulka Nyandarua ee gobolka bartamaha dalka.
Waxaa lagu helay waxyaabo ay ka mid yihiin taleefoonada gacanta iyo warqado.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa horay u soo saaray digniin ah in tallaabo sharciyeed laga qaadayo cid walba oo isku dayda inay sameeyso fal sababi karo inaan lagu kalsoonaan natiijada ka soo baxdo imtixaanada shahaaddiga ah.
Laamaha ammaanka ee ismaamulkaasi ayaa sheegay inay dhameystirayaan baaritaanada si maxkamadda loo soo taago eedeysanayaasha.
In ka badan hal milyan oo arday ah ayaa sannadkan sameeynaya imtixaanka KCPE-da iyadoo dowladda dhexe ay ballanqaaday in dhammaantood ay ku biirayaan dugsiyada sare ee wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here