8 qof oo looga shakiyay argagixisanimo oo lagu dilay Sacuudiga

Forensic investigator working at a crime scene

Ciidamada booliska ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu soo warramayaa inay shalay gobolka galbeed ee Qaatif ku dileen 8 qof oo ay uga shakiyeen inay xubno ka yihiin kooxaha argagixisada.
Ma jiro qof shacab ah ama sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka oo ay waxyeello ka soo gaartay howlgalka amni.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in raggan la dilay ay dhawaan sameyeen shabakad iyagoo isku diyaarinayay inay weerar argagixiso gaystaan.
Afhayeen u hadlay boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in ciidamadu ay fuliyeen howlgal ka hor tag ah iyagoo eedeysanayaasha ka dalbaday inay isdhiibaan balse amarkaasi aynan u hoggaansamin ayna rasaas ku fureen saraakiisha ammaanka oo isku gadaamay dhismo ay ku jireen kooxdaasi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here