8 qof oo maanta dalka ugu dhimatay COVID 19

1,258 dhecaan oo la baaray maanta ayaa waxaa cudurka laga helay 137 qof taaso tirada guud ka dhigeysa 39,586.
Sido kale 8 qof ayaa u dhimatay xanuunka waxayna dhimashada guud gaartay 743.
296 qof ayaa sido kale ka caafimaaday xanuunka.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa xirtay xabsiga Industrial ka dib markii kiisas dhawr ah maanta laga diiwangaliyay.
Xabsigan ayaa la geyn doonin dad dheeraad ah iyadoona maxabuusta hadda ku jirta ay halkaas xayiradaad lagu saaray.
Dr Rashid Aman xog,hayaha caafimaadka dalka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay ogaatay in xabsiga ay ku sii kordhayaan kisiaska ka dib markii maanta laga helay 35 xaaladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here