80 qof oo u dhintay caabuqa saameeyay Shiinaha

Waxaa sii korortay tirada dhimashada ee ka dhalatay caabuqa lala xiriirinayo neefsashada ee saameeyay wadanka Shiinaha iyadoo ilaa iyo hadda uu galaaftay nolosha 80
Tirada dhimasho ayaa sare u sii kacday kaddib markii la soo tabiyay 24 kiis oo dheeraad oo u badan gobolka Hubei.
Tirada guud ee dadka uu saameeyay ayaa ah 2744 qof.
Waxaa la xaqiijiyay 769 ka mid ah kiisaskan halka maamullada caafimaadka ay sheegayaan in 461 ka mid ah dadka uu soo ritay ay xaaladoodu halis tahay.
Xukuumadda Beijing ayaa qaadday tallaabooyin ay ka mid tahay in la xadido socdaalka oo lagu xakameyay dhaqdhaqaaqa.
Waxay baaritaano ka socdaan gobolka Hubei oo kiisaska ugu badan ee caabuqa ama cudur sidaha laga soo tabiyay.
Dowladda ayaa mamnuucday in la galo ama laga baxo gobolka.
Sido kale waxay wararku sheegayaan in kiisas laga soo tabiyay maamullada madax bannaanida xaddiidan ay ka jirta ee Macau iyo Hong Kong.
Kuuriyada Koonfureed ayaa laga soo sheegaya in maanta oo isniin ah lagu arkay kiiskii afaraad.
Sido kale waxaa hakad la geliyay howlaha dalxiiska ee gudaha iyo dibadda
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in hadda Shiinaha ay ka jirto xaalad degdeg ah balse aan weli la gaarin heer lagu dhawaaqi karo inay tahay musiibo caalami ah.
Madaxweynaha Shiinaha ,Xi Jinping ayaa caabuqa ku tilmaamay halis aad u daran.
Shalay waxaa magaalada ugu weyn gobolka Hubei ee Wuhan ka dhaqangelay amar baabuurta looga mamnuucay waddooyinka.
Magaaladaas waxaa ku nool 11 milyan oo qof.
Sido kale waxaa la hakiyay basaska safarrada dheer u kala goosho ee ka baxa ama soo galo caasimadda Shiinaha ee Beijing oo hooy u ah ilaa 20 milyan oo qof.
Safarrada gudaha ee wadankaas ayaa la joojiyay ilaa iyo maalinka Jimcada.
Sido kale waxay dowladda Shiinaha mamnuucday ka ganacsiga duurjoogta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here